(Kiev) 10 Abriil 2023 – Maraykanka ayaa basaasa Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky, sida uu sheegay CNN oo soo xiganaya warbixinno sirdoon oo la sheegay in si online ah todobaadkii hore lagu faafiyey.
Faylasha la sheegay in la faafiyey waxay la xiriiraan dagaalka Ukraine iyo Ruushka, kuwaasoo ay ku jiraan farriimaha maalinlaha ah ee goobta dagaalka.
Maraykanka ayaa la sheegay in uu dabogal ku sameeyey hoggaamiyaha Ukraine isaga oo isticmaalaya xog sirdoon ah, kaas oo ay Hay’adda Nabadsugida Qaranku ku qeexday in uu yahay isgaarsiin laga dhegeystey aaladaha elegtarooniga ah.
Ilo ku dhow Zelensky ayaa laga soo xigtey in warkani yahay “mid aan la yaab lahayn,” iyaga oo intaa ku daray in saraakiisha Kiev ay “aad uga xun yihiin” sirtan la dusiyey.
Sida laga soo xigtey CNN, warbixin sirdoon oo Maraykan ah ayaa sheegtay in dabayaaqadii Febraayo, Zelensky “uu soo jeediyey in daroon lagu duqeeyo goobaha la gaynayo ciidanka Ruushka ee gobolka Rostov ee Ruushka” sababtoo ah Kiev ma haysto hub meelo fog duqayn kara sida bartilmaameedyada uu xusay.
Hadalsame Media