(London) 08 Abriil 2023 – Tababaraha ku meel gaarka ah ee Chelsea, Frank Lampard, ayaa sheegay in kooxdiisa ay kalsoonidu ku yar tahay kaddib guuldarradii Wolves ka soo gaadhey soo laabashadiisii shalay.
Wolves waxay ahayd kooxda cad cad waxayna u qalmeen guuha, taasoo ku timid gool uu dhaliyey Matheus Nunes, waana goolkii ugu horreeyey ee khadka dhexe ee Portugal uu u dhaliyo kooxda tan iyo markii uu kaga soo biiray Sporting Lisbon bishii Agoosto ee la soo dhaafay.
Nunes beat Chelsea goalkeeper Kepa Arrizabalaga with a strong drive from the tightest of angles after an attempted headed clearance by Kalidou Koulibaly.
Nunes ayaa ku siray goolhayaha Chelsea ee Kepa Arrizabalaga shuud xooggan oo ka yimid xagasha ugu dhibka badan kaddib markii uu Kalidou Koulibaly isku dayey inuu madax ku badbaadiyo.
Lampard ayaa yiri: “Waxaan u malaynayey in bandhig ciyaareedka qaybta hore uu ahaa 70% ama wax la mid ah, laga yaabee [inuu maqan yahay] dareenkaas ah inaan gool dhalin karno,” ayuu yiri isagoo ula jeeda caqliyadda kooxda.
“Marka aan leeyahay caqliyadda, maahan wax aan xumaan ula jeedo, waxaan ula jeedaa inaad la qabsato guusha oo aad caado ka dhigtaa.” ayuu raaciyey.
Hadalsame Media