“Waan ka xun nahay!” – Maraykanka oo si qarsoodi ah u dhegeystey madaxda Koonfurta Kuuriya oo sheekaysanaya (Wixii ay sheegeen oo la faafiyey)

0

(Seoul) 09 Abriil 2023 – Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa Maraykanka kala hadli doonta dokumentiyo sir ah oo millateri oo la dusiyey, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters Axaddan.

Dokumentiyadu waxay muujinayaan in Washington ay basaastay Seoul si ay u ogaato in Kuuriyada Koonfureed ay ka labalabeysay in ay Maraykanka ka iibiso rasaasta madaafiicda cabsi ay ka qabto inay siiyaan Ukraine.

Dokumentiyada la faafiyey ayaa ka soo muuqday baraha bulshada waqti u dhexeeyey dabayaaqadii Febraayo iyo horraantii bishan Abriil.

Sida lagu sheegay dib u eegis uu sameeyey wargayska New York Times maanta, faylalka la dusiyey ee la xiriira Kuuriyada Koonfureed ayaa muujinaya in markii Seoul ay ogolaatay inay ka iibiso madaafiicdan Maraykanka sannadkii hore.

Yeelkeede, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Yi Mun-hui ayaa u sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka Kim Sung- Han, in dowladdu “ay ka walaacdey in Maraykanku aanu noqon doonin isticmaalaha ugu dambeeya ee hubkan marka Kuuriyada Koonfureed ay u hoggaansanto codsiga Maraykanka ee rasaas iibinta.”

Wargeysku waxa uu xusay in loo malaynayo in Pentagon-ku uu si qarsoodi ah u dhegeystey wada hadalkii u dhexeeyey Yi iyo Kim.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada South Korea ayaa maanta sheegay isaga oo ay xiganayso Reuters, in Seoul ay ka xun tahay arrintan oo ay lasoo qaadayso Washington.

Waxaana jiri kara kiisas kale oo kan u dhigma.

Hadalsame Media