(Muqdisho) 09 Abriil 2023 – Saraakiil Sare oo ka socota Dalka Turkiga ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxayna durba la kulmeen Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Jen. Sulub Axmed Firin, si la isula eego dardargelinta tababarrada iyo tayayna ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa ayaa la sheegayaa in diiradda lagu saaray sidii loo sii wadi lahaa tababarrada uu Turkigu siiyo Ciidanka Booliiska sida gaarka ah u carbisan ee loo yaqaan Haramcad.
Saraakiishaan ayaa u sheegay Taliska Booliiska Somalia, in Turkiga ay ka go’an tahay dardargelinta tababarrida iyo tayaynta ciidanka, waqti ay Dowladda Federaalku ay ku jirto dagaal ka dhan kooxda Al-Shabaab oo bilihii dambe dhulal badan laga xoreeyey.
Taliyaha Booliska ayaa isna dhankiisa wuxuu Turkiga uga mahadceliyey sida ay Dowladda Soomaaliya u garab taagan yihiin, gaar ahaan dhanka dhismaha hay’aadka dowladeed sida tayaynta iyo tababarrada ciidamada Soomaaliya.
Turkiga ayaa beri dhowayd waxaa Ciidanka Booliska Somalia ku wareejiyeen ilaa 10 gaari oo ah kuwa dusha ka furan ee fudud ee ay Soomaalidu u taqaan Cabdi Bile.
Hadalsame Media