Somaliland oo qiratay inuu aad hoos ugu dhacay dakhligeedii (Daawo)

0

(Hargaysa) 09 Abriil 2023 – Somaliland ayaa sheegtay in dhaqaalihii ay heli jirtay, uu hoos u dhacay oo uu saxgada yahay, sababo ay ka mid yihiin.

1 – Dekedii Berbera Ganacsigii ka wareegay dadku ka wareegay dagaalka Sool awgiis.

2 – Suuqii Wajaale ee isku xirayay Kenya- Soomaaliya ilaa Itoobiya uu xirmay, oo dagaaladu saameeyeen.

3 – Gubashadii Suuqii Waaheen ee magaalada Hargeysa oo saameyn ba’an ka dhalatay.

Mushahaaraadkii Wasiiradda ayay sheegtay in la jaray oo dagaalka loo wareejiyey, Mashaariicdii oo dhan marka laga reebo inyar oo wasaaradda Beeraha ah ayay sheegtay in iyana la joojiyey gabi ahaanba.

Dhammaadkii Jan iyo bilowgii Feb ayay Gaylan Media tabisay macluumaadka ay maanta Somaliland sheegtay.

W; D: Faarax Cabdulqaadir

Hadalsame Media