Ruushka oo ku sigtay inuu soo rido diyaarad basaas oo Ingiriis ah (Halka gantaalka loo marsiiyey)

0

(Hadalsame) 09 Abriil 2023 – Ruushka iyo NATO ayaa kaliya hal tillaabo u jirsadey inay dagaal furan isla galaan sannadkii hore kaddib markii diyaarad dagaal oo uu Ruushku leeyahay ay ku sigatay inay soo riddo diyaarad ay leeyihiin Sirdoonka Ingiriisku, sida uu maanta qoray Washington Post, iyadoo soo xiganaysa dokumenti cusub oo dhowaan laga soo dusiyay Pentagon-ka.

Dhacdadan oo dhacday dabayaaqadii Sebtembar 2022-kii ayaa lagu eedeeyey inay aad uga khatarsan tahay sidii ay London horay u qiratay, wargaysku waxa uu sheegay in dabayaaqadii Oktoobar 2022-kii, Xoghayaha Difaaca ee Britain Ben Wallace ayaa u sheegay baarlamaanka dhacdada, isaga oo intaa ku daray in Moscow ay eedda saartay cillad farsamo oo London-na ay aqbashay sharaxaaddan.

Dokumentigan, oo ay aragtay WaPo, wuxuu qeexayaa inuu Ruushku ku sigtay in la “toogto diyaarad UK RJ ah” ama RC-135 oo ah dayuurad sahan ah loo isticmaalo aruurinta farriimaha raadiyaha iyo kuwa elektiroonigga ah.

UK waxay sheegtay bishii Oktoobar in diyaaradda ay qabteen labo miig oo Ruush ah oo kala ah Su-27 ah oo marayey Badda Madow, iyadoo mid ka mid ah “uu sii daayay gantaal” maray meel u dhow diyaaradda UK.

Sida laga soo xigtey WaPo, dhacdadan ayaa laga yaabaa inay kicin lahayd hirgelinta qodobka 5-aad ee heshiiska NATO, oo ay suurtogal ahayd inuu horseeddo in ciidamada NATO ay soo galaan dagaalka Ukraine, ama xitaa uu yimaado isku dhac toos ah oo u dhexeeya Moscow iyo NATO.

Hadalsame Media