(Stockholm) 09 Abriil 2023 – Dowladda Sweden ayaa tarxiishay in ka badan 1,100 muwaadiniin British ah tan iyo Brexit.
Tirakoobkani waxa uu soo shaac baxay kaddib wararka sheegaya in masuuliyiinta dalkaasi ay qorsheeyeen in ay masaafuriyaan haweenay 74 jir ah oo Ingiriis ah oo qabta xanuunka Alzheimers kan ugu daran, taasoo 20 sano dalkaa ku noolayd, waloow haatan arrintaa hakad la geliyey. Haweenayda ayaa cayrinteeda loo cuskaday inaysan Baasaboor lahayn, waloow ay sheegtay inaysan uba baahnayn maadaama ay sariir saaran tahay.
Sida laga soo xigtey The Guardian, Tirakoobka Komishanka Yurub ayaa daaha ka qaaday in Sweden ay tarxiishay muwaadiniin British ah oo aad uga badan xubnaha kale dal kasta oo kale oo Midowga Yurub. ah
Tirooyinka, oo ay soo saartay Eurostat 31-kii Maarso, waxay muujinayaan in Faransiiska iyo Jarmanku ay amreen masaafurinta 115 iyo 40 muwaadin siday u kala horreeyaan.
Netherlands ayaa Sweden ku xigta waxayna masaafurisay 720 muwaadin British ah, iyadoo Malta ay ku soo raacdo 135 oo qof oo laga cayriyey dalkaasi.
Dhanka kale se, ma jiro hal qof oo British ah oo laga soo tarxiilay dalalka koonfurta iyo bartamaha Yurub ee Spain, Italy, Portugal, Slovakia, Slovenia iyo Luxembourg 2021-kii iyo 2022-kii.
Guud ahaan waxay Midowga Yurub soo masaafuriyeen 2,610 muwaadiniin British ah isla muddadaas, sida uu wargaysku qoray.
Yeelkeede, Wasiirka Socdaalka ee Iswiidhan, Maria Malmer Stenergard, ayaa sheegtay in tiradaasi ay “war cusub u tahay” iyada oo aysan warba ka haynin.
Stenergard, ayaana wacad ku martay inay eegi doonto arrintan, iyadoo tiri, “Waxaan rabnaa in iyagu [dadka British-ka ihi] ay halkan joogaan” mar ay la hadashay warqaadka maxalliga ah ee The Local.
The Guardian ayaa kasoo xigtay mas’uuliyiinta Iswidhan in sababta dadka ugu badan loo tarxiilay ay u badan tahay 3 sababood:
- Codsiyada aan dhamaystirnayn
- Codsiyada soo daahay iyada oo aan sabab macquul ah lahayn
- Codsadayaasha oo aan buuxin shuruudaha sharciga deganaanshaha
Sida ku cad heshiiska ka bixitaanka EU-UK, muwaadiniinta UK waxay haysteen ilaa 31-ka Diseembar, 2020-kii, inay ka codsadaan sharciga degananshaha joogtada ah dalalka EU ee ay deggan yihiin, halka UK ay siisay dadka reer EU ilaa 30-kii Juun 2021-kii si ay u qaataan deganaanshaha loo yaqaan EU Settlement Scheme.
Hadalsame Media