XOG SIRDOON: Qorshe dagaal oo qarsoodi ah oo ay NATO diyaarsatay oo la daadiyey (Ruushka oo ka war helay)

0

(Hadalsame) 07 Abriil 2023 – Dukumentiyo sir ah oo si qarsoodi ah loo helay qeexayana qorshaha dagaalka Maraykanka iyo NATO ee Ukraine ayaa dhaliyey baaritaan ay bilaabeen millateriga Maraykanku, sida uu qoray warqaadka New York Times oo xiganaya Sabrina Singh.

Sida uu soo xigtey RT-ga Ruushku, bogagga sida warbixintan, oo qaarkood loo calaamadiyey “sirta culus,” ahaan ayaa muujinaya awoodda ciidamada ee la qiimeeyey, waqtiga loo qabtay shixnadaha hubka iyo rasaasta, iyo xog kale.

Faylasha ayaa ka soo muuqday baraha bulshada horraantii isbuucaan, iyadoo aan la caddayn halka ay ka yimaadeen, sida uu qiray Pentagon-ku.

Saraakiishu waxay sheegeen inay ku howllan yihiin sidii xogahaas looga saari lahaa internet-ka, balse kuma guulaysan ilaa haatan.

Mid ka mid ah dukumentiyada “sirta culus” ah ayaa bixinaya “xogta dagaalka laga bilaabo 1-dii Maarso,” taasoo muujinaysa in boggagu ay internet-ka ku jiraan dhowr toddobaad.

In kasta oo aysan qeexin wax qorshooyin dagaal oo gaar ah, faylashu waxay soo bandhigayaan muuqaal ku saabsan qiimaynta sirdoonka Maraykanka ee heerarka ciidamada Ruushka iyo Ukraine, jadwalka tababarka iyo gaarsiinta qalabka, xogta cimilada, iyo sidoo kale kharashyada ku baxaya hubka iyo rasaasta – oo ay ku jiraan nidaamyada HIMARS ee Maraykanka uu bixiyo.

Qaar ka mid ah dukumentiyada ayaa u muuqda in wax laga bedelay, iyada oo qaar badan oo kala duwani ay dhex wareegayeen khadka internet-ka kuwaasoo muujinaya qiyaaso kala duwan oo ku saabsan khasaaraha labada dhinac ee iskahorimaadka.

Fayl kale waxaa ku qoran 12 guutooyin dagaal oo cusub oo Yukreeniyaan ah – kuwaas oo inta badan ka kooban 4,000 ilaa 5,000 oo askari – iyada oo la xusayo in xulafada Maraykanka iyo NATO ay tababarayaan oo ay hub siinayaan sagaal guuto oo ka mid ah.

Kuwaas, dukumentigu uu sheegayo in lix ka mid ihi ay diyaar noqon doonaan dhammaadka Maarso, halka saddexda soo hartay ay kuruud baxayaan bishan Abriil 30-keeda.

Haddii ay run yihiin dokumentiyadani waxay ka dhigan yihiin mid ka mid ah dusintii sirdoon ee ugu muhiimsanayd tan iyo bilowgii khilaafka Ruushka iyo Ukraine, waxayna imanayaan iyadoo Kiev lagu soo waramayo inay diyaarinayso weerar culus oo ka dhan ah ciidamada Ruushka.

Mid ka mid ah dokumentiyada ayaa muujinaya laba waddo oo suurtogal ah oo loo maro gobollada Donbass, Zaporozhye iyo Kherson.

Ma cadda goorta ay bilaabanayaan weerarrada rogaal-celinta ah, laakiin Gene. Kyrylo Budanov oo Ukraine ah ayaa dhowaan sheegay in labada dhinac ay dagaaklami doonaan “dagaal kama dambays ah” oo “adag” xilliga gugan.

Hadalsame Media