”Maraykanku xitaa daacad kama aha dimoqraadiyadda” – Sahan laga sameeyey dalalka Muslimka oo soo baxday (Dal olog la ah oo ugu daran)

0

(Hadalsame) 08 Abriil 2023 – Dad badan oo ku nool Ciraaq iyo 12 dal oo kale oo Muslimiin u badan ayaa ka shakisan sida ay Mareykanka uga go’an tahay dhisidda dimoqraadiyad dhab ah, marka loo eego natiijooyinka ra’yi ururin ay samaysay Gallup oo daabacday Jimcihii.

Sahankan ayaa lagu beegay ku dhowaad 20-sano guuradii kasoo wareegtey howlgalkii la magac baxay xornimada Ciraaq ee Operation Iraqi Freedom; Kaasoo uu Maraykanku hoggaaminayey laguna doonayey in xukunka lagaga tuuro Saddaam Xuseen oo bilaabmay 2003-dii, taasoo hirgashay, iyadooo la daldalay dabayaaqadii 2006-dii.

Haatan, ilaa 72% waxay Ciraaqiyiintu sheegeen  inay khilaafsan yihiin in Maraykanku uu ‘daacad ka yahay’ dhiirrigelinta doorashooyin furan oo xor ah oo dalkaa ka dhaca.

Sahanka Gallup ayaa sidoo kale lagu ogaadey in Iran – oo ku codaysay 81% – ay tahay dalka ugu kalsoonida daran ujeeddooyinka Maraykanka ee gobolka. Tunisia, Türkiye, Falastiin iyo sidoo kale Ciraaq ayaa ku tartamaya shanta kaalmood ee ugu sareeya, kuwaasi oo u dhexeeya 78 ilaa 75% ku jira. Waxaa yaab leh in Turkigu uu olog la yahay Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, kaliya 38% Moroccan-ka ah iyo 42% Kuwaitiyiinta ah ayaa khilaafsan doodda ah inay Maraykanka dhab ka tahay ka samaynta nidaamyada dowladeed oo dimuqraadiyad ku dhisan oo ka hanaqaada gobollada Muslimiinta.

Gallup waxa kale oo ay ra’yi ururin ka qaadday muwaadiniinta isla quruumahaasi ku nool oo la waydiiyey haddii ay dareemayaan in Maraykanka ay ka go’an yahay inuu ka caawiyo horumarkooda dhaqaale.

Iran,Türkiye iyo Tunisia ayaa si wayn u khilaafsan – waana boqolleey u dhaxaysa 82 ilaa 74% – in kastoo, haddana, Kuweyt iyo Marooko ay soo bandhigeen xaddiga ugu yar ee aragtiyada khilaafsan Maraykanka waana 41% ilaa 34% siday u kala horreeyaan.

Hadalsame Media