DHOOLLATUSKA SEEFTA AFAYSAN: Shiinaha oo mar qura 52 diyaaradood kusoo kiciyey Shiinaha (Qalabkan Shiinaha oo la kashifay)

0

(Beijing) 07 Abriil 2023 – Millateriga Shiinaha ayaa Sabtigan ku dhawaaqay inuu billaabay dhoollatus saddex maalmood ah oo ka dhacaya marinka Taiwan. Dhoollatuskan ayaa imaanaya maalin uun kaddib markii hoggaamiyaha Taiwan ee Tsai Ing-wen ay kasoo laabatay Maraykanka, halkaas oo ay kula kulantay Afhayeenka Aqalka Congress-ka ee Kevin McCarthy iyo sharci-dajiyayaal kale.

Dhoollatuskan, oo loogu magac daray Dhoollatuska Seefta Afaysan ama United Sharp Sword, ayaa “digniin culus u ah xoogagga gooni-u-goosadka doonaya madaxbannaanida Taiwan,” sida ay sheegeen Ciidanka Xoraynta Dadka Shiinaha (PLA) oo bayaan soo saaray.

Maalintii koobaad ee dhoollatuskan, ciidamada Shiinaha ayaa sameeyey dhoollatus muujinaya hareeraynta Taiwan iyagoo la wareegaya gacan ku haynta badda, hawada iyo isgaarsiinta, sida uu sheegay telefishanka CCTV. Waxaa la abuuray xaalad jasiiradda dhinac walba laga hareereeyey, ayuu warku intaas ku daray.

Wargayska Global Times ayaa aqoonsaday qaar ka mid ah qalabka ay wataan Shiinuhu kaddib markii uu daawaday muuqaallada layliga. Waxaana ka mid ahaa:

Gantaal ridaha PHL-191, Markabka Type 052C ee wax burburiya, Type 22 oo ah doomaha gantaalaha rida, gantaalaha dhulka laga gano ee YJ-12B ee lidka maraakiibta, diyaaradaha dagaalka J-10C, diyaaradaha digniinta hore bixiya ee KJ-500, diyaarad booyadda ah ee YU-20, iyo DF-11 oo ku qalabaysan gantaalaha ballistic-ga ah.

Wasaaradda Difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in Sabtidii ay ogaatey in 52 diyaaradood oo Shiinees ah iyo 8 markab ay isku gedaameen jasiiradda. Sida ay sheegtay wasaaraddu, 29 ka mid ah diyaaradahaas waxay ka gudbeen khadka dhexe, oo ah xuduud aan rasmi ahayn oo u dhaxaysa Taiwan iyo dhulwaynaha Shiinaha.

Hadalsame Media