(London) 08 Abriil 2023 – Macallimiinta Tottenham iyo Brighton, Cristian Stellini oo Conte dhaxlay iyo Roberto De Zerbi, ayaa labadoodaba casaan la siiyey intii ay socotey ciyaartii ay kooxahoodu ku ciyaareen woqooyiga London, kaddib markii ay isku qabsadeen geesta garoonka.
Labada tababare iyo howlwadeenkooda ayaa waxaa dhexmaray dagaal garoonka dhexdiisa ah, kahor intii uusan garsoore Stuart Attwell u dhiibin labada kaar casaan ah oo uusan u dirin dusmada garoonka Tottenham Hotspur Stadium.
Dagaalka u dhexeeya labadan nin ayaa waxaa ka hadlay Jeff Stelling oo kusoo qaatay Saturday.
Stelling waxa uu sharraxay in macallinka Spurs uu aaminsan yahay in De Zerbi uu si fudud uga faa’idaystey shaqadii waynayd ee uu qabtay macallinkii hore ee Brighton ee Graham Potter.
Labadan macallin ee Talyaaniga ah ayaa waxay horay u kulmeen ciyaartooy ahaan, iyagoo isku haleelay gudaha garoonka intii lagu jirey xilli ciyaareedkii 2008-09 oo ay wada joogeen Seri B iyagoo u kala safnaa Bari iyo Avellino.
DE ZERBI AND STELLINI GOING AT IT! 😤 #TOTBHA pic.twitter.com/ln73Jxzdz4
— The Premier League Club (@TPLCSports) April 8, 2023
Hadalsame Media