(Riyaad) 07 Abriil 2023 – Maamulka Somaliland ayaa markale weerar afka ah ku qaaday Maamul-goboleedka Puntland oo ay ku eedeeyeen inay iyaga ka ”Soomaali diidsan yihiin.”
Wasiirka Biyaha Somaliland, Cali Mareexaan ayaa eeddiisa u cuskaday in Puntland ay markasta caqabad ku noqoto dowlad kasta oo federaal ah.
“Annagu Soomaali-diid ma nihin, haddii cidi Soomaali-diid tahay waxa ah Puntland oo aan bixin cashuurta federaalka, madaxweyne kastana mucaarid ku ah.” ayuu ku dooday Wasiirka Biyaha SL, Cali Marreexaan.
Maamulka Somaliland ayaa tan iyo bilowgii colaadda Laascaanood wuxuu Puntland ku eedeeynayey inay iyagu ka dambeeyaan dagaalkaasi oo ay ciidan u direen, iyagoo mararka qaar xitaa DF Somalia ku eedaynayey hurinta dagaalkaasi.
Hadalsame Media