(Riyaad) 07 Abriil 2023 – Agaasimaha CIA ee William Burns ayaa u sheegay mas’uuliyiinta Sacuudiga in Maraykanka ay ka hoos bixiyeen, kaddib markii Boqortooyadu ay ogolaatay heshiis xiriir caadiyayn ah ay la gasho Iran kaasoo uu ka shaqeeyey Shiinuhu, sida uu qoray wargayska Wall Street Journal.
Intii lagu guda jirey safar aan la shaacin oo uu ku tagay Sacuudi Carabiya toddobaadkan, Burns “wuxuu Riyaad u muujiyey niyad jab” wuxuuna sheegay in Washington “ay dareemayso in arrintan laga indha saabay” marka ay timaado xiriirka diblomaasi ee ay la yagleeshay Iran iyo Suuriya, ilo-wareedyo badan oo aan la magacaabin ayaa sidaa u sheegay wargayska Khamiistii shalay.
Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Iran iyo Sacuudiga ayaa shalay oo Khamiis ah wada hadallo ku yeeshay caasimadda Shiinaha, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan hindisaha cusub, oo ay ka mid yihiin dib u furida safaaradaha labada dal, magacaabista safiirro cusub iyo xitaa booqasho uu magaalada Riyaad ku tegayo Madaxwaynaha Iran ee Ibraahim Raisi
Kaddib sannado badan oo xafiiltan ah oo gobolka ah, Tehran iyo Riyaad waxay soo gabagabeeyeen heshiis caadiyan ah Maarso 10 kaddib wadahadallo qarsoodi ah oo ay dhexdhexaadisey Beijing, waxay ku heshiiyeen inay dib usoo celiyaan xiriirkii diblomaasiyadeed ee rasmiga ahaa kaddib markii ay xiriirka isu jareen 2016-kii.
Tan kale, heshiiskan ayaa calaamad wayn u ah in Shiinuhu uu noqonayo laacib muhim ah oo door ku yeelan doona jimaynta diblomaasiyadeed ee dunida, taasoo ruxi doonta siyaasadda juqraafi ee Bariga Dhexe, isagoo durba ah dalka ugu wayn ee iibsada saliidda Sucuudiga.
Hadalsame Media