Maalqabeenno Khaliiji ah oo doonaya inay iibsadaan kooxda Inter Milan (Dokumentiyo ay diyaarsanayaan)

0

(Milano) 07 Abriil 2023 – InvestCorp ayaa doonaysa inay iibsato kooxda Inter Milan, maadaama ay aaminsan yihiin inay jirto fursad dhab ah oo looga faa’idaysan karo kubadda cagta Talyaaniga oo kor usoo kacaysa markale, waxayna dareemayaan in milkiilayaasha hadda ee Suning ay dhowaan diyaar u noqon karaan inay iibiyaan kooxdan reer Milano.

Tani sida laga soo xigtey daabacaaddii maanta ee wargayska ganacsiga Talyaaniga Il Sole 24 Ore, oo ay soo xigatey FCInterNews, sanduuqa reer Bahrain ayaa diyaarinaya dokumentiyadii ay ku doonayeen iibsiga kooxdan sababtoo ah waxay dareemayaan inay tahay waqti ku habboon in la dhamaystiro la wareegidda Nerazzurri.

Sidoo kale, shalay ayaa la sheegay in InvestCorp ay dib u soo celinayso xiisaheeda ay Inter uga iibsanayaan Suning. Maantana, Il Sole 24 Ore ayaa waxa ay aad u sii faahfaahisay xiisaha sanduuqan fadhigiisu yahay Bahrain.

Wargayska ganacsiga ayaa sheegay in InvestCorp ay hadda si firfircoon u raadinayso maalgashadayaal isbahaysi ah oo howha la gala, waloow ay xuseen in muhiimaddooda koowaadi ay inta badan ku eegayaan maalgashi gudaha dalka Bahrain ah.

Sida laga soo xigtey Il Sole 24 Ore, InvestCorp ayaa muddo dheer bartilmaameedsanaysay inay la wareegto koox wayn oo Serie A ah, iyadoo kubbadda cagta Talyaaniga loo arko inay leedahay awood badan oo aan weli laga faa’iidaysan marka la eego milkiilayaasha kooxuhu ku hoos jiraan hadda.

Sanduuqan ayaa la ogaa inay si wayn u doonayeen AC Milan oo ay markaa haysteen Elliott Management kahor inta aysan RedBird Capital ugu dambayntii la wareegin oo aysan noqon milkiilayaasha cusub ee Rossoneri.

Hadalsame Media