Lacag ka badan 2 bilyan oo gini oo ka timid iibka Chelsea oo weli ku xayiran sanduuqii lagu shubay + Sababta

0

(Hadalsame) 07 Abriil 2023 – Balaayiin gini oo ka yimid iibkii Chelsea ayaan weli lagu wareejin sanduuq loo aasaasay si ay gargaar u siiyaan Ukraine, ku dhowaad ​​hal sano ayaana laga joogaa markii ay kooxda la iibiyey.

Todd Boehly iyo Clearlake Capital Consortium ayaa dhamaadkii bishii Maajo ee sanadkii hore dhamaystirtay £4.25 bilyan oo gini ay kula wareegeen Chelsea, waxayna soo afjartay lahaanshihii Roman Abramovich ee 19-ka sano lahaa kooxdan ka ciyaarta Premier League.

Abramovich ayaa Chelsea suuqa dhigay markii loo go’doomiyey sabab la xiriirta duullaankii Ruushka ee Ukraine, iyadoo oligarchs-kii u dhowaa hoggaanka Ruushka cunaqabatayn la saaray taasoo uga timid Dowladda UK oo ku eedeeysay inuu xiriir la leeyahay Vladimir Putin.

Yeelkeede, haatan waxaa soo baxday in qaar ka mid ah lacagaha kasoo xarooday iibka ayaa lagu shubay akoon bangi balse la fariisiyey si loo hubiyo in Abramovich aanu helin wax dakhli ah oo iibka ka yimid, iyada oo dhowaan la aasaasay sanduuq cusub oo lagu shubayo £2.34 bilyan oo gini oo ka mid ah lacagta lagu iibiyey kooxda.

Hadalsame Media