GOLAHA WAX-GARADKA: UEFA oo markii ugu horreeysey taariikhda samaysay guddi ay la tashato (Macallimiin & Halyeeyo ku jira)

0

(Riyaad) 07 Abriil 2023 – Xiriirka Kubbada Cagta Yurub ee UEFA ayaa sameeyey gole cusub oo loo yaqaan Golaha Wax-garadka ama ‘Council of Wise Men’ si ay u helaan cod madaxbannaan oo geed fadhi u noqda dhammaan arrimaha kubbada cagta la xiriira, sida ay wararku sheegayaan.

Waxay noqonaysaa tallaabo taariikhi ah oo ka timid hay’addan maamusha kubbadda cagta Yurub, kuwaasoo golahan u sameeyay si ay u helaan aragtida shuruucda iyo xeerarka ee ay hayaan ciyaartooydii hore iyo macallimiintan.

Waxaana durbaba jira liis cajiib ah oo ay ka muuqdaan magacyada halyeeyo hore oo loo xulay inay isu diiwaangeliyaan inay ka qaybqaataan hindisahan, waxaana ka mid ah tababaraal iyo ciyaartooy caan ah.

Sida laga soo xigtey majaladda MARCA, go’aankan ayaa horraantii bishan lagu ansixiyey shir ay yeesheen Guddiga Fulinta ee UEFA, waxaana markii ugu horreeysey taariikhda la sameeyae guddi la-talineed oo dhanka kubbadda cagta ah oo heerkan oo kale ah.

Golahan, oo sidoo kale lagu tilmaamo ‘Miiska Kubadda Cagta’, ayaa loo xilsaari doonaa inay wax ka qabtaan arrimaha aasaasiga ah ee isboortiga sida sharciga ciyaarta, garsoorka, tartamada UEFA, taatikada ciyaarta iyo daryeelka ciyaartooyda.

XUBNAHA KU JIRA GUDDIGAN

José Mourinho, Carlo Ancelotti, Zinedine Zidane, Paolo Maldini, Fabio Capello, Javier Zanetti, Luis Figo, Philipp Lahm, Ronald Koeman, Gareth Southgate, Rio Ferdinand, Michael Laudrup, Rafa Benítez, Roberto Martinez, Predrag Mijatovic, Jurgen Klinsmann, Rudi Voller, Petr Cech, Juan Mata, Robbie Keane.

Hadalsame Media