”Waxaan samayn doonaa waxa ay taageerayaashu rabaan” – Ciyaartooyda ku khasaaraya & Kuwa ku faa’iidaya soo laabashada Lampard

0

(London) 06 Abriil 2023 – Waxaa Chelsea dib ugu soo laabtay halyeeygooda Frank Lampard, balse waxaa ka dhalan doona dhacdooyin silsilad ah, isagoo ballanqaaday inuu ”taageerayaasha siin doono waxa ay doonayaan.”

oo xawli u socda todobaadkan ayaa sababay in Frank Lampard uu ku soo laabto Chelsea.

Halyeeyga Stamford Bridge ayaa la wareegaya majaraha inta ka hartay xilli ciyaareedkan kaddib ceyrintii Graham Potter dhamaadkii todobaadkii hore, iyadoo raadinta qofkii bedeli lahaa ay socoto.

Ciyaartooyda qaar waxay kooxda ku sugnaayeen markii uu Chelsea joogey isla Lampard oo tababare ah, marka qaar baa ku farxi doona inuu dib ugu soo laabto garoonkii tababarka ee Cobham, halka qaar kale aysan ka heli doonin.

Haddaba, yaa khasaaray yaase faa’iidey?

YAA FAA’IIDAYA? 

Waxaa ugu horreeya Mason Mount oo loo badinayey inay arbiciinka ku jiraan maalmihiisii Chelsea, balse waxaa haatan soo laabtay tababare si aad ah u qadarinaya waxtarkiisa ciyaareed.

Ben Chilwell – Potter had switched to a 3-4-3 shape for what proved to be the final games of his tenure, but Lampard always favoured either 4-3-3 or 4-2-3-1 when Chelsea boss.

Macallin Potter waxa uu shaxda u beddeley qaab ciyaareedka 3-4-3 isagoo u muuqdey nin booskiisii dadabka bidix sidaa ku waayey, balse Lampard oo £45milyan oo gini kasoo siistay Leicester waxay u badan tahay inuu u laabto 4-3-3 ama 4-2-3-1 wuxuuna Chilwell ka doorbidi karaa Marc Cucurella.

Conor Gallagher/Ruben Loftus-Cheek – Lampard doorbidi jiey ciyaartooyda kusoo barbaaray akadamiyaha Chelsea, taasoo ay ka faa’iideen ciyaartooyda Mount, Tammy Abraham iyo Reece James, ayaa fursad siin kara labadan laacib.

Edouard Mendy – Dadka ku farxi doona inuu dib u arko soo guryo noqoshada Lampard waa qabtaha Mendy, kaasoo ahaa dookha labaad ee Kepa Arrizabalaga xilli ciyaareedkan.

Hakim Ziyech – It has been a really low-key season for the Moroccan, who has started just nine games and been involved in only one goal.

Hakim Ziyech – Waxa uu xilli ciyaareedkani u ahaa mid aad u hooseeya Moroccan-kan, kaasoo ku soo bilowday kaliya sagaal kulan dhaliyeyna hal gool oo kaliya, kaddib markii uu kaydka ku iloobey macallinkii la cayriyey, ayaa boos heli kara.

Christian Pulisic – Isla xaaladaas oo kale waxaa dareemaya Pulisic, oo uu sidoo kale xilli ciyaareedkan dhaawac halakeeyey.

Pierre-Emerick Aubameyang – weeraryahanka, waxaa gebi ahaanba hoos u dhigay Potter.

YAA KHASAARAY?

Marc Cucurella – Sida lagu sheegay bilowga Chilwell, Cucurella waxaa laga riixan karaa booska dadabka bidix.

Kepa Arrizabalaga – Sida laga yaabo Kepa kuma faraxsana inuu arko Lampard oo mar kale soo laabtay.

Joao Felix – Ma cadda halka uu laacibkan amaahda ku jooga ee Joao Felix uu kaga habboon yahay shaxda uu lasoo shirtegi doono Lampard, balse haddii Mount safka hore soo galo waa ku daayey.

Kalidou Koulibaly – Inkastoo Kalidou Koulibaly uu ciyaaro kulan kasta, misna wuxuu u nugul yahay khaladaadka. Lampard oo Antonio Rudiger tuuray waqtigiisii ugu dambeeyey ee Stamford Bridge, ayaa u xilan kara Thiago Silva oo dib loo heli karo.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media