”War aamus! Waxyohow xumi!” – Maxaa xalay dhexmaray Vinicius Jr & Ferran Torres? (Daawo)

0

(Barcelona) 06 Abriil 2023 – Vinicius Jr ayaa waxa ay qoorta isu galeen xiddiga ay xifaaltamaan ee Barcelona ee Ferran Torres dhamaadkii ciyaartii Real Madrid 4-0 kaga badisay Barcelona xalay – isagoo u sheegay garabkan inuu ‘iska aamuso’.

Xiddigga reer Brazil ayaa door muhim ah ka qaatay guushii cajiibka ahayd ee ay Los Blancos ay wadar ahaanta ku badisay 4-1, waayo hal gool ayuu dhaliyey mid kalena wuu caawiyey, sidoo kale wuxuu sababay rigoore uu dhaliyey Karim Benzema.

Yeelkeede, waxaa is qabsaday 22-jirkan iyo weeraryahanka Barca Torres qaybihii dambe ee habeenkii niyad-jabka lahaa ee kooxda martida loo ahaa, kuwaas oo hammigoodii ahaa inay seddexleey maxalli ah qaadaan ay u qoonsatay kooxda ay coltamaan.

Kaddib markii uu tuuray Araujo saaxiibadiis Real ayaa isku dayey inay dejiyaan si ay uga badbaadiyaan kaarka jaallaha ah, kaddib markii uu Torres kusoo dhawaadey xiddigga reer Brazil oo uu wejigiisa farta ku fiiqay isagoo ereyo ku yiri daqiiqaddii 85-aad.

Vinicius ayaa arrintaa aad uga caroodey isagoo, sida uu qorayo Mundo Deportivo, ku yiri: ”War aamus! Waxyohow xumi!”

Torres ayaa ciyaarta kaddib qirtay inuu ka caraysiiyey Vini oo uu ku tilmaamay laacib cajiib ah, balse wuxuu soo jeediyey inuu diiradda saaro ciyaarta oo uu iska daayo waxyaabaha kale.

Hadalsame Media