(Hadalsame) 06 Abriil 2023 – Sawirkaan camera laguma qaadin, qofna gacanta kuma sawirin, computer-na qof kuma sawirin. qof iiga horreeyey oo xuquuqdiisa iga lehna ma jiro.
Waxaa sawiray caqli macmal ah oo ay leedahay Microsoft oo la yiraahdo Bing. waxaad ku qoraysaa qoraal ka tarjumaya waxa aad rabtid in laguu sawiro, kadibna sifooyinkii aad sheegtay sawir leh baa kuu soo baxaya. tusaale sawirkaan markaan u dirayey waxaan ku iri “ii sawir oday Soomaali ah oo madax ah sigaarna gacanta midig ku haysta”.
Microsoft waa isla shirkadda maalgelisay ChatGPT oo aan warkiisa dhawaan laga nasan, waana isla shirkadda iska leh Windows oo ah nidaamka ay ku shaqeeyaan computerada aan badanaa isticmaalno iyo Microsoft Office oo aan iyagana wax ku qorano sida Word, Excel iyo Power Point.
Hadii la soo maray kacdoonadii kala duwanaa ee ugaarsiga iyo qaraabka, kii beeraha , kii warshadaha iyo kii technologyga isgaarsiinta, hadda waxaa lagu jiraa kacdoonkii caqliga macmalka ah (Artifitial Intelligence).
ku soo dhawow adduunyo isbdelaysa lana jaanqaad.
W; D: Asad Gaaciye
Hadalsame Media