(Hadalsame) 06 Abriil 2023 – Marka aad tidhaahdo “waxa aan jecelahay oo aannu wax isku nahay koox joogta Muqdisho oo waxa aannu nahay walaalo dadka iska xiga,” haddii uu qof kale ku yidhaahdo “anna waxa aannu wax isku nahay dadka Garoowe jooga.
Waxa aannu isku nahayna wax hada la sameeyey maaha ee waa soo jireen,” ma waxa aad ku qasbaysaa inuu kaaga kula jeclaado, kiisan naco? Khasabkaagu muxuu ku sallaysan yahay? Ma awliyo la soo diray oo tiisu uun sax tahay ayaad isku haysataa?
Haddii aad mar dhowayd ku doodaysay dadka xuduudaha ka soo tallaabay way khaldan yihiin oo abtirsiinta waxa ka mudan xadka, hadana aad boqolaal kiiloomitir ka doonatid abtirsiin cusub si mid xadka kugula jira aad xulufo ugu heshid, sidee ayay doodaadu u eeg tahay? Mise keligaa baa is dhegaysta oo doodaadu sida ay u dawakhsan tahay ma aragtid?
Doodaha qaarkood ba iska hor iyo dabo imanaya oo meel loo qaado aan la aqoon.
Waxa se jira waxyaabo dawladaha si fudud u dumiya. Dawlad kasta oo cidi gaar ahi yeelato way duntaa. Waayo cidda laga yeeshay ayaan sinaba ku aqbalin.
Qaran dhiskua iyo qabiil dhiskuna meel ma wada galaan. Waad kala dooran kartaa. Haddii aad qabiil dooratid, qaran ma helaysid. Labada cad isku heli kari maysid. Ka aad dooranaysid se adaa u xor ah.
Waxa la og yahay oo ay tahay inaad ku xisaabtantid marka aad labada kala dooranysid: in qabiil Soomaali ah oo qabiil kale qasab ku xukumi karaa aanu jirin. La wad oo la wad oo taasi socon wayday. Balse inay si siman wax u wada yeeshaan waa la arkaa.
Haddii qofka guriga kula degani uu gurigii dab qabadsiinayo. Waar ka daa meesha ha inagu gubinna aanu dhegaysan. Horta maxaa xal ah? Dabkuna hadhow keligii gaar uma saamaynayo ee waad ku wada gubanaysaan.
W; Q: Guuleed Dafac, Garyaqaan Iyo Falanqeeye sharci oo jooga Hargaysa
Hadalsame Media