(Nairobi) 05 Abriil 2023 – Waxaa todobaadyadii dambe dalka Kenya ka soconayey dibedbaxyo rabshadaysan oo uu gadaal ka taagan yahay hoggaamiyaha mucaaradka ee Raila Odinga.
Bannaanbaxyadaasi ayaa sababay qaaquullooyin fara badan iyadoo la boobay ganacsiyada qaarkooda, ama jidadka la xirey, amaba la dhagxiyey Ciidamada Amaanka.
Aadan Barre Ducaale, oo ka tirsan Isbahaysiga xilka haya ee uu hoggaamiyo MW Willium Ruto oo uu u yahay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, ayaa markale weerar cad ku qaaday Raila.
“Raila Odinga waxaad tahay nin kashifan oo si quus ah awood ku raadinaya wax kasta haku kacdee. Sidee buu u barbar dhigayaa xaaladda taagan iyo xilligii 2007/08 oo uu u codsan karaa awood qaybsi iyada oo la raacayo hab-raaca Axdiga Qaranka?” Ayuu Ducaale is waydiiyey.
“Mr Odinga waa lagaaga guulaystey doorashada. Bannaaxbaxyadaadu wax shaqo ah kuma laha qiimaha nolosha dadka laakiin waa hab aad dadka ku falanayso jidkii aad ku gaari lahayd awooda. I aamin ma liibaani doontid.” Ayuu raaciyey.
Hadalsame Media