Ruushka oo agab nooc cusub ah oo guurguura usoo diray dagaalka Ukraine (Sida uu u shaqeeyo?)

0

(Moscow) 05 Abriil 2023Sida laga soo xigtey Wakaaladda Wararka ee Dowladda Ruushka ee TASS, Ruushku wuxuu Ukraine u diray dhufays guurguura oo loo adeegsanayo sidii guri aasan, kaasoo ay samaysay shirkadda maxaliga ah ee Dorgeotech. TASS ayaa sidoo kale sheegaysa in Moscow ay agabkan u diraso in lagu tijaabiyo xaaladaha dagaal ee dhabta ah ee Ukraine.

SIDEE U SHAQEEYAA?

Agabkan oo ay wehliyaan injinneerrada ciidamada Ruushka ayaa loo diray dalka Ukraine, waxaana dhufayskan la jiidayo lagu aasayaa god wayn oo loosii qoday waxaana deeto lagu daboolayaa ciid.

Haddii loo baahdo, tusaale ahaan, wuxuu dhufayskani raacayaa ciidanka oo awood u yeelan doona inay la guuraan markii ay doonaan, maadaama ay sahlan tahay in islamarkiiba si sahal ah loogu qaadi karo goob cusub.

Mid ka mid ah sifooyinka muhimka ah ee dhufayskan guurguura waa inuu u adkaysto rasaasta maraareheedu yahay 152mm, sida laga soo xigtey naqshadeeyaha, Mr. Alexey Devyatilov.

Afar qof ayaa ku noolaan kara dhufayska, iyadoo la dhex dhigi karo ilaa afar sariirood kuwaas oo lagu diirin karo ama lagu kululeeyn karo kariyaha cuntada.

Yeelkeede, haddii sariiraha laga saaro, naqshadeeyuhu waxaa uu sheeganaya inuu qaadi karo ilaa 8 qofood oo mar qura ku dhuuman kara dhufayskan guurguura.

Hadalsame Media