Kaddib seddaxleeydii Benzema waa kuwee 5-ta ugu goolasha badan laacibiintii uu soo tababaray Ancelotti?

0

(Madrid) 05 Abriil 2023Laacibka Karim Benzema ayaa muddo todobaad ah wuxuu dhaliyey laba seddaxleey oo xiriir ah, kaddib kulankii .

Waxaana uu ka dhaliyey kooxda reer Catalonia oo ah cududda qura ee kula coltanta Horyaalka ay iska sacabaysteen ee La Liga, waxaana ka horreeysey seddaxleeydii uu Axaddii dhowayd ka xareeyey kooxda Real Valladolid.

Waxaa uu 4-0 diry Barcelona oo ay isku arkee lugta labaad ee nus-dhamaadka Copa del Rey oo ay uga soo bexeen 4-1, waloow ay Barca niyadda ku degsan karto inay badisay horyaalka oo ay haatan 12 dhibcood ka sarrayso Cad Cadka.

Yeelkeede, waxaan idiin haynaa xiddigihii kasoo hoos ciyaaray macallin Carlo Ancelotti iyo shanta xiddig ee ugu goolasha badan.

1 – Filippo Inzaghi = 161 gool

2 – Cristiano Ronaldo = 112 gool

3Karim Benzema = 109 gool

4 – Andriy Shevchenko = 103

5 – Liete Kaka = 95 gool

FG: Sababta aan Benzema u calaamadaynay waa inuu weli isagu yahay laacibka qura ee ka hoos ciyaaraya Ancelotti marka la eego 5-tan laacib oo dhan oo ay qaarkood ciyaaraha kaba fariisteen.

Hadalsame Media