”Hadda waad adeegsan kartaan” – Ruushka oo hubka nukliyeerka ah si caadi ah u siiyey dal olog la ah oo aan horay u haysan

0

(Moscow) 05 Abriil 2023 – Ciidamada Cirka ee Belarus ayaa hadda qaadi kara weerarro nukliyeer ah kaddib markii uu Ruushku siiyey hubkaasi, Wasiirka Difaaca Sergey Shoigu ayaa shaaca ka qaaday.

Sarkaalkan ka tirsan Dowladda Ruushka ayaa xusay in xukuumadda Moscow ay sidoo kale xulafadeeda ku wareejisey unug ka mid ah gantaalaha riddada gaaban ee Iskander-M ee awoodda nukliyeerka leh.

Isagoo ka hadlayey kulan uu la yeeshay madaxda sare ee Ruushka Talaadadii, Shoigu wuxuu yiri: “Qayb ka mid ah Ciidanka Cirka Belarusia waxay hadda heleen awood ay ku fuliyaan weerarro ka dhan ah bartilmaameedyada cadawga oo loo adeegsadey hub nukliyeer ah.”

Sida laga soo xigtey Wasiirka, ciidamada Belarusia waxay horay u bilaabeen inay bartaan habka uu u shaqeeyo nidaamka gantaalaha Iskander-M kaasoo lagu siiyey mid ka mid ah xarumaha tababarka millateriga Ruushka.

Isagoo ka faalloonaya tillaabadaasi, Shoigu wuxuu soo xigtay dhaqdhaqaaqyada millateri ee NATO ee xudduudaha waxa loo yaqaan Dowladaha Midoobey ama Union State oo ka kooban Belarus iyo Ruushka.

Dhanka kale, isaga oo khudbad ka jeedinaya baarlamaanka Belarus Jimcihii hore, Madaxwaynaha waddankaasi, Alexander Lukashenko, ayaa sabbeeyay suurtagalnimada in hubka nukliyeerka ee istaraatiijiga ah ee Ruushka la geeyo dalkaasi, gaar ahaan kan taatikada ah.

“Cidna uga habran doonno inaan ilaalino dalkeenna, dowladeenna, iyo dadkeenna.” ayuu yiri, isagoo raaciyey in tillaabadani ay u badan tahay inay u adeegto sidii wax looga qaban lahaa dhaqdhaqaaq kasta oo cadowtooyo oo ay qaadaan Maraykanka iyo xulafadiisu, sida uu yiri.

Hadalsame Media