(Muqdisho) 05 Abriil 2023 – Magacaabista Md. Cabdikariim Guuleed ee ah inuu noqdo wax lagu sheegay Ergayga Gaarka ah ee Somaliland ayaa waxaa durba ka dhashay dood badan. Waxaa xitaa bayaan diidmo ah kasoo saaray Puntland & SSC.
Jahawareerku wuxuu ku saabsanaa waxa ay noqonayso howshiisu maadaama aan si fiican loo caddaynin
Tusaale, ergay waxaa loo magacaabaa inuu dal ku matalo dal kale. Marka ma safiir la dallacsiiyey baa? Haddii ay haa tahay se, taas micneheedu ma in Soomaaliya ay Somaliland ula dhaqmayso dowlad ahaan baa?
Yeelkeede, tiiyoo ay taasi taagan tahay ayuu Ergaygu la kulmay ATMIS oo la sheegay inay taageerayso howshiisa.
Waa taageero noocee ah haddaba middda ATMIS ay siin doonto ergayga? Maxaa yeelay ATMIS waxay u joogtaa Soomaaliya si ay ula dagaallanto Al Shabaab mana jiraan wax Al Shabaab ah oo Somaliland haatan ka jira. Halkee ATMIS kasoo gashaa marka?
Hadalsame Media