(Muqdisho) 03 Abriil 2023 – Waxaa bartamaha Muqdisho haatan xanniban isku socodka gaadiidka, gaar ahaan Lambar Afar kaddib markii la qarxiyey gaari ay wateen Ciidanka ATMIS.
Qaraxa ayaa qabsaday gaariga oo ay ciidanku alaabta iyo ciidanka ku qaataan, balse markan aan ciidan sidin.
Waxaa durba goobta soo gaarey ciidan booliis ah iyo kuwo millateri Soomaali ah oo goobta xirey lamana faahfaahin sida uu qaraxu u dhacay iyo in dhulka lagu aasay waxa qarxey ama gaariga uu saarnaa.
Sidoo kale, weli xog lagama hayo waxa qarxey iyo inuu yahay qaraxii caadiga ahaa oo lala beegsaday iyo inay wax gaariga saarnaa iska qarxeen iyo in kale.
Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in qaraxu uu ka dhex dhacay gaariga ciidanka ee xamuulka ah dhexdiisa.
Caadiyan ciidanka ATMIS ayaan inta badan wax dagaal ah qaadin tan iyo markii ay magacaa qaateen sanadkii tegey, si ka duwan kuwii AMISOM.
Hadalsame Media