“Meeshaan MW unbaad la kulmi kartaa” – MW Erdogan oo Danjiraha Maraykanka ka diidey arrin ay Somalia ka aqbasho

0

(Istanbul) 03 Abriil 2023 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay “albaabadiisu ka xiran yihiin” Safiirka Maraykanka u fadhiya Ankara, Jeffry Flake, isagoo si kulul u weeraray diblamaasigu kulankii uu dhowaan la yeeshay ninka ay isku hayaan doorashada madaxtinnimada soo socota.

Erdogan ayaa Axaddii shalay ka qaybgalay xaflad ka dhacday degmada Bagcilar ee magaalada Istanbul, taasoo loogu talagalay furitaanka rasmiga ah ee ku dhowaad 100 guri iyo dhismayaal kale oo la dhisay kaddib dhulgariirkii khasaaraha badnaa ee dalkaa ku dhuftay.

Kulan daba-socdey oo uu la yeeshay koox saraakiil ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa midigta fog ee Gray Wolves, waxa uu diiradda ku saaray doorashada 14-kii Maajo iyo ku-takri-falka awoodeed ee uu ergayga Maraykanku u gaystay awooddiisa diblomaasiyadeed.

“Waxaan u baahan nahay inaan Maraykanka cashar ugu dhigno doorashooyinkan,” ayuu yiri Erdogan, sida ay soo xigatey Anadolu.

Danjire Flake ayaa la kulmay hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga (CHP), Kemal Kilicdaroglu, 29-kii Maarso, “taas oo qayb ka ah sii wadidda wada hadallada aan la yeelanayno xisbiyada siyaasadeed ee Turkiga ee arrimaha khuseeya danaha labada dal” ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Mareykanka oo soo tweet garaysay Safaaraddu.

“Abaabbadeennu waa ka xiran yihiin, oo mar dambena masoo geli karo. Waayo? Wuxuu u baahan yahay inuu ogaado booskiisa,” ayuu yiri Erdogan. “Ceeb caleeg, maskaxda ka shaqaysii. Safiir baad tahay. Cidda aad halkan la kulmi kartaa waa Madaxwaynaha.” Ayuu raaciyey isagoo caraysan.

Arrintan ayaa siyaasiyiinta Somalia bari karta inaysan caadi ahayn la kulanka Danjirayaasha caalamiga ah xilliyada doorashada iyo xilliyada kaleba.

Hadalsame Media