Jaamacadda Camuud yaysan ogolaanin in sumcadda laga ciideeyo

0

(Hadalsame) 03 Abriil 2023 – Inta badan Soomaalidu mabda’ ay ilaaliyaan ama sheey ay joogteeyaan oo ay dhabbe qura marsiiyaan ma jiro (lack of consistency), xitaa midka markaa cadaalad darro ka cabanayaa berri marka uu fursad helo wuxuu samaynayaa wax ka liita wixii uu ka cabanayey.

Maalintii iigu qosol badnayd annagoo meel fadhinna ayaa waxaa soo yeeray wax sheegaya inuu nin gabar kufsaday. Mid nala joogey baa inta xukun iska ridey yiri “waa belo ku dhacdigii reer hebel waxa dumarka kufsada”, balse mid sheekadu u qurqursanayd baa ka dafoo yiri “waa nin aad isku beel tihiin.” Kuye. “Maxaa iyada meesha uu joogo geeyey?”

Taasi waxay nolosheenna oo ku dhisan nidaamka “la joojiyaa bannaan la jiifiyaana bannaan” in aad aragto waxyaabo badan oo aan is qaadan karin.

Waxaan ku keenay markii aan Jaamacadda Camuud ku arkay wefdi qabiil oo ka khudbaynaya. Murugo.

Ma ahayn in Jaamacadda Camuud la geeyo ama ay aqbasho wefdi noocan ah, maadaama ay tahay hay’ad waxbarasho oo bulshada u dhaxaysa, welibana ay muddo dheer soo jirtey waxay ahayd inay xeer ka leedahay arrimahan oo kale.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media