Hay’adaha warbaahineed ee ugu waawayn reer Galbeedka oo go’aan yaab leh kasoo saaray lacagta lagusoo rogey calaamadda “xaqiijinta” Twitter-ka

0

(Hadalsame) 03 Abriil 2023 – “Kuma siin doonno lacagta calaamadda Twitter’ka”

Hay’adaha warbaahinta ee ugu saamaynta Badan reer Galbeedka ayaa ku gacan sayray qorshihii milkiilaha Twitter, Elon Musk, uu lacagta kula soo rogay baraha twitter-ka ee ay saaran tahay calaamadda Buluugga ah ee Rasmiga Tilmaanta.

Warbaahinta caanka ah ee Farriinta diidmada ah la wadaagay Elon Mask waxaa ka mid ah:-

The New York Times, Los Angeles Times, Washington Post, BuzzFeed, POLITICO, iyo Vox.

Dhamaantood waxay layaab ka muujiyeen fikradda ah inay lacag ku bixiyaan calaamadda xaqiijinta ee twitter-ka, sida uu qoray MM TV.

Calaamaddaas ayaa bilaash ahayd tan iyo markii la soo bandhigay sanado badan ka hor laakiin dhawaan mulkiilaha cusub ee Twitter uu go’aamiyay in $8 Doollar laga qaado bar kasta.

Madaxda Telefishanka CNN ayaa laga soo xigtay in aanay niyad u haynin bixinta lacagtaasi.

Hadalsame Media