(Nantes) 03 Abriil 2023 – Daafaca reer Algeria ee Jaouen Hadjam ayaa laga saaray safka kooxda Nantes kahor guuldarradii kasoo gaartey Stade de Reims kulan ka tirsanaa Horyaalka Ligue 1 ee dalka Faransiiska.
Kulankan Axaddii ayaa laacibkan laga tuuray kaddib markii uu ku adkaystay inuusan furi doonin Ramadaankiisa. Waxaana dhacday in ciyaartii laga saaray ay guuldarro ku dhamaato oo kooxda Nantes waxaa gurigeeda 3-0 uga badiyey Reims.
Tababaraha Nantes ee Antoine Kombouare ayaa warkan sheegay ciyaarta kaddib:
”Wax lagu doodaa ma jiraan. Qofkii sooman waa taageerayaa, balse waa inaadan soomin maalmaha ciyaarta. Ma aha ciqaab balse waa sharci.” ayuu ku dooday.
Si ka duwan Horyaalka Ingiriiska oo soo rogey in daqiiqado kooban la siiyo laacibiinta si ay wax uun afka ugu dhuftaan, Horyaalka Faransiisku wuxuu soo rogey xeer adag oo xaaladda kusii adkaynaya ciyaartooyda, kaasoo aan awal jiri jirin.
Hadalsame Media