”Eastleigh ha keenin dadka kuu dibedbaxaya!” – Aadan Ducaale oo Soomaalida ka difaacey rabshadaha Raila

0

(Nairobi) 03 Abriil 2023 – Waxaa todobaadyadii dambe dalka Kenya ka soconayey dibedbaxyo rabshadaysan oo uu gadaal ka taagan yahay hoggaamiyaha mucaaradka ee Raila Odinga.

Bannaanbaxyadaasi ayaa sababay qaaquullooyin fara badan iyadoo la boobay ganacsiyada qaarkooda, ama jidadka la xirey, amaba la dhagxiyey Ciidamada Amaanka.

Aadan Barre Ducaale, oo ka tirsan Isbahaysiga xilka haya ee uu hoggaamiyo MW Willium Ruto oo ka dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, ayaa Raila ugu baaqay inuu dadka u dibedbaxaya ku haysto meelo ay ka mid yihiin goobaha qoowmiyaddiisu u badan tahay, sida Kisumu.

”Dibedbaxyadu waxay ka dhacaya kaliya meelihiisa… Kibra, Mathare iyo Kisumu. Waxaan idiin sheegayaa inaad ka fogaataan Eastleigh, CBD, Westlands iyo Upper Hill.” ayuu yiri Ducaale.

 

No description available.

Hadalsame Media