(Nairobi) 03 Abriil 2023 – EAC ayaa sheegtay inay hadda wadaan xaqiijinta nabadda iyo amniga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo si balooggani uu u noqdo dhaqaalaha ugu badan gobolka, Afrika iyo adduunka.
Waxay kaloo sheegeen inay riixayaan ajendaha Afrika aan xuduud lahayn oo bad iyo berri isu furan.
“Waxaan u baahan nahay inaan aragno Kenya Airways, RwandAir, Uganda Airlines iyo Air Tanzania oo iska kaashanaya hoos u dhigista qiimaha tigidhada si ay dadku ay u rartaan alaab badan. Dowladuhu sidoo kale waxay u baahan yihiin inay hoos u dhigaan qiimaha diyaaradaha soo degaya,” ayuu yiri Peter Mathuki, Xoghayaha Guud ee EAC.
Soomaaliya ayuu ka hadlay oo haatan arjigeeda gacanta lagu hayo. “Waxaan idiin sheegayaa inay ka imaan doonaan faa’iidooyin badan. Soomaaliya waxay leedahay xeeb dhererkeedu yahay 3,000km – waana tan ugu dheer Afrika. Ku dar 1,400km oo Kenya ah iyo tan Tansaaniya waxaad markaa leedahay xeeb dhererkeedu yahay 5,000km” ayuu raaciyey Mathuki.
Wuxuu taas macneheeda ku sheegay in qiimaha daabulidda badeecaddu uu noqon doono mid jaban sababtoo ah waxaa jiri doona adeeg wayn oo badda ah.
Wuxuu sheegay in marka ay Soomaaliya xubin EAC ah noqoto, ay EAC awood u yeelan doonaan inay amaanka ka caawiyaan si dalka loo xasiliyo.
“Haddii aan u tagno Golaha Ammaanka oo aan waydiisanno tas-hiilaad way na dhegeysan doonaan laakiin haddii Muqdisho ay iskeed ugu tagto, waxay u badan tahay inaysan dhegeysanayn iyaga,” Ayuu ku dooday.
“Soomaaliya kaddib, dalka kale ee ay tahay inaan ka fikirno waa Itoobiya. Haddii aan helno Itoobiya, suuqa EAC wuxuu yeelan doonaa in ka badan 500 milyan oo qof.” Ayuu saadiyey Mathuki.
Hadalsame Media