”Maxaad baase la welwelsan tahay?” – Paolo Maldini & Spalletti oo qoorta isu galay (Daawo)

0

(Napoli) 02 Abriil 2023 – Xiisadda ka duwan ciyaartii garoonka ee Napoli vs AC Milan balse kulul ayaa dhemartay dhaxaysa macallin Luciano Spalletti iyo Madaxa Farsamada Milan ee Paolo Maldini.

Tababaraha buluuglayaasha iyo maamulaha Rossoneri ayaa muran kulul ku dhex maray dusmada lagu tago qolalka beddelka. Spalletti ayaase wixii dhacay sharraxay ciyaarta kaddib:

“Waxa aan garsooraha waydiinayey kaarka Jaallaha ah ee uu siiyey Lobotka, Maldini ayaa deeto ii yimid waxana uu ii sheegay inaan aad u cabanayo. Laakiin wax dib ihi nagama dhexeeyo isaga,” ayuu yiri.

Yeelkeede, marka dib u eegis lagu sameeyo sawirrada hilinka Dazn, waxay u muuqataa in maamulaha Rossoneri uu yiri: “Mudane, maxaad la wel welsan tahay, waxaad ku guulaysatey horyaalkii, maxaad baase rabtaa?”.

Hadalsame Media