Kaddib cayrinta Potter yaa ugu cad cad macallimiinta lala xiririnayo kooxda Chelsea?

0

(Hadalsame) 02 Abriil 2023 – Graham Potter ayaa laga eryey macallinka Chelsea kaddib wax ka yar toddobo bilood oo uu maamulayey Blues iyada oo haatan ku jirta kaalinta 11 aad ee Premier League.

Waxay timid kaddib guuldarradii fooshaxumayd ee 2-0 kula dhufatay Aston Villa Sabtidii, iyadoo Potter uu badiyey kaliya 12 ka mid ah 31-kii kulan ee uu hoggaaminayey naadiga – tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Brighton wax ka yar toddobo bilood ka hor.

Bruno Saltor – oo kala soo wareegay Potter dhanka Brighton si uu uga mid noqdo howlwadeenkiisa qolka dambe ee Stamford Bridge – ayaa kooxda si ku meel gaar ah usii maamuli doona.

Bayaan lasoo saaray iyadoo lagu hadlayo magaca milkiilayaasha Todd Boehly iyo Behdad Eghbali ayaa lagu yiri: ‘Anigoo ku hadlaya magaca qof kasta oo kooxda jooga, waxaan rabnaa inaan Graham ugu mahadcelinno si daacad ah waxqabadkiisa Chelsea.” sida lagu qoray webka Chelsea.

Mauricio Pochettino, Zinedine Zidane, Luis Enrique, Luis enrique iyo Julian Nagelsmann iyo macallinkii hore ee isla Chelsea ee Brendan Rodgers ayaa ka mid ah ragga ugu cad cad ee lala xiriirinayo kooxda Stamford Bridge.

Hadalsame Media