(Hadalsame) 02 Abriil 2023 – Diyaaradda tigidhada rakhiiska ah lagu raaco ee RyanAir ayaa waxaa lasoo gudboonaatey xaalad cabsi leh kaddib markii uu qaac soo galay kabiinkii ay dadwaynuhu fadhiyeen.
Arrintan ayaa dhacday 10 daqiiqadood kaddib markii ay diyaaraddu ka duushay magaalada Bucharest ee caasimadda Romania.
Arrinta kale ee yaabka lihi waa in duuliyuhu aanu isku deyin inuu qanciyo ama dejiyo rakaabka welwelsan oo ay ku jireen dumar ooyaya, isagoo kaliya u sheegay inuu ku celinayo Gegada Bukharest.
Dadwaynaha lama siinin neef-siiyayaasha ogsijiinta leh, tiiyoo ay jirto in xitaa haddii aanu qaac soo gelin kabiinka ay tahay in dadka ogsijiin la siiyo haddii uu kabiinku hawo soo daayo iyadoo la duulayo joog ka sarreeya 10,000 oo mitir, taasoo ah inaan la fulin hab-raacii amaan ee joogtada ahaa.
Hadalsame Media