(Hadalsame) 02 Abriil 2023 – Shirkadda horumarinta Sacuudi Carabiya ee ka dambaysey dhismaha daarta Jeddah Tower ayaa ku dhawaaqday qorshe lagu tilmaamay mid naadir ah oo ku bilaabayso shaqada dhismaha dabaq dheer oo 1 kiiloomitir ah, laakiin aan loo dhisaynin sidii la yaqaanney waayo waa dabaq qalliban.
B1M waxay fahamsan tahay in shirkadda dhisaysaa ay aaminsan tahay in tani ay keenayso xiise iyo hadal hayn badan, waana mid qayb ka ah mashaariic ballaaran oo ay waddo dowladda Sucuudiga, sida midka Line iyo Trojena, oo loogu talagalay ciyaaraha qaboobaha, balse hadda laga dhisayo ee buuraha saxaraha.
In kasta oo tafaasiil yar oo injineeriyadda la xiriirta haatan lasii daayey, waxaa loo malaynayaa in la samayn doono rukun shub ah oo 300-mitir ah si uu dabaqani u taageerto inta laga dhisayo, si aanu usoo dhici maadaama uu qalliban yahay, waloow marka dambe meesha laga saari doono rukunkaas.
Waxaa dabaqa 157-aad ku oolli doona Helipad loogu tala galay inay kasoo degaan diyaaradaha qumaatiga u kaca. Lama cayimin goorta dhismahan cajiibka ah la dhamayn doono.
Hadalsame Media