AC Milan oo 4-gool ku nustay kooxda Napoli & Rikoodhada laga diiwaangeliyey + Sawirro & Muuqaal

0

(Napoli) 02 Abriil 2023 – Kooxda AC Milan ayaa sidii daadkii u qaadday kooxda SSC Napoli oo sanadkan la qaban la’aa oo ay kaga badisay 4-0 iyadoo weliba ku ciyaaraysa garoonkeeda.

Goolasha waxaa Milan u kala dhaliyey Rafael Leao daqiiqaddii 17-aad iyo Brahim Diaz oo goolka 2-aad raaciyey daqiiqaddii 25-aad ee isla qaybtii hore ee ciyaarta.

Yeelkeede, isla Leao ayaa goolka 3-aad iyo kiisii 2-aad ee ciyaarta ku qaaraamay daqiiqaddii 59-aad ee gelinkii dambe ee ciyaarta, kahor intaanu goolka afraad ku darin Saelemakers daqiiqadii 67-aad. Milan ayaa sidaa u xiratey kaalinta 3-aad ee horyaalka.

Haddaba, aynu eegni rikoodhada laga diiwaangeliyey kulankan adag ee muhimka ahaa ee ay Napoli kula kulantay guuldarradii 3-aad ee dhanka Serie A fasal-ciyaareedkan oo idil.

RIKOODHADA – SSC Napoli ayaa laga dhaliyey labo gool 25-kii daqiiqo ee ugu horreeya kulan ka tirsan Serie A markii ugu horreeysey tan iyo 31 Agoosto 2019-kii, markaasoo ay ka hor yimaadeen Juventus.

Kahor AC Milan, kooxdii ugu dambaysey ee awooda inay afar gool garoonkeeda kaga dhaliso kooxda kaalinta koowaad uga jirta ciyaarta Serie A waxay ahayd Fiorentina, oo ay ka hortimid Inter 27-kii Sebtembar 2015 (4-1).

Tan iyo markii Stefano Pioli uu ku biiray AC Milan (Oktoobar 2019-kii), Rossoneri ayaa guul ka gaartey kooxda kaalinta koowaad ee Serie A ku jirta 5 jeer oo kala duwan, ugu yaraan labo ayuu ka badan yahay koox kasta oo kale.

Rossoneri kuma aysan badin Napoli afar gool oo nadiif ah Serie A tan iyo Nofeembar 1992-kii, markaasoo Marco van Basten uu afar jeer shabaqa soo taabtay halka Stefano Eranio uu dhamaystiray 5-1.

Dhanka Partenopei, rikoodhka gurigoodu wuxuu u muuqdaa mid aad u xooggan, guuldarradii ugu dambaysey ee gurigooda ay kooxi ku garaacdo afar gool oo nadiif ah waxay ahayd 5-1 kale oo ay kaga badisay kooxda Bologna bishii Oktoobar 2000.

Luciano Spalletti ayaan afar gool looga dhalinin gurigeeda Serie A tan iyo bishii Maarso 2009, markaasoo Juventus ay 4-1 ku garaacday Roma oo uu isagu watey.

Hadalsame Media