(Ankara) 01 Abriil 2023 – Fikradda ah in la dhiso “ciidamo dijitaal ah”, oo ka kooban agabka aan cidina wadin oo bad, dhul iyo cir ah ayaa waxaa diyaarinya Wershadaha Difaaca ee Turkiga, kuwaasoo diyaar noqonaya sanadkan, sida laga soo xigtey shirkadaha horumarinta agabkan oo ay ku jirto Havelsan.
Ciidamada Dhijitaalka ah ayaa ka kooban cir, dhul iyo raxan robotyo oo biyaha hoostooda loogu tala galay, jiil cusub oo tignoolajiyad millateri ah oo lagu daray ama ay weheliyaan xarun talis dhexe ah oo laga xukumo.
Havelsan, oo ka shaqaynaysay qaabab sahlaya in agabkani ay wada shaqeeyaan, waxay rabtaa inay ka gudubto heer muhiim ah horay u socodkan tiknolojiyaddan.
Turkiga markii ay soo bandhigtay fikraddan “ciidan dhijitaal ah” markii ugu horreeysey bandhigga 15-aad ee Wershadaha Difaaca Caalamiga ah (IDEF 2021), Havelsan waxay qorshaynaysaa inay ka dhabayso in agabkan si rasmi ah loo adeegsado.
Shirkadaha kale ee howshan wada ee Türkiye leedahay waxaa ka mid ah diyaarad miig ah oo aan cidina wadin oo la yiraahdo Bayraktar Kızılelma, oo ay dhisay Bayraktar oo shalay maray tijaabadii 3-aad.
Markabka aan cidina wadin (AUSV) oo lagu magacaabo Marlin ayaa isna ku guulaystey inuu gano gantaal kuruus ah oo la hagi karo.
Hadalsame Media