(Ankara) 01 Abriil 2023 – Sanadihii la soo dhaafay waxaa dalka Mareykanka ku soo badanayay toogashada, taas oo sababtay in dad badan ay dhintaan kuwa kanala ay dhaawacmaan. Inta badan weerarradaasi ayaa waxaa sabab u ah hubka faraha badan ee ku jira gacanta shacabka.
Sannadkan 2023 oo kaliya, waxaa gudaha Mareykanka ka dhacay 130 toogasho oo dad badan lagu waxyeeleeyay. Weerrarkii ugu dambeeyay ayaa arooryadii hore ee subaxii Isniinta waxaa lagu beegsaday iskuul ku yaalla deegaanka Nashville.
Lix qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah ayaa ku dhintay weerarka oo uu geystay nin hubeysan.
Waaxda tirakoobka u qaabilsan isticmaalka hubka gacanta ee ay dadku haystaan ayaa sheegtay in sanadihii ugu dambeeyay ay aad u kordheen dilalka.
Saddexdii sanno ee ugu dambeeyay waxaa gudaha waddanka Mareykanka sannadkiiba ka dhacay in ka badan 600 oo toogasho oo laga gaystay meel ay dad badan ku suganyihiin, taasoo u dhiganta celcelis ahaan labo toogasho maalintiiba.
Dood dheer ayaa ka dhalatay sidii loo xakameyn lahaa hubka gacanta ugu jira shacabka, halka weli aanay jirin qaab loo dhaqan gelin karo sharciga lagu mamnuucayo hubka.
Meeqa qori ayey haystaan dadka Maraykanku?

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Iyadoo ay adag tahay in la qiyaaso tirada qoryaha gacanta lagu qaato iyo bastooladaha ay haystaan dadka rayidka ah ee adduunka oo dhan, haddana cilmi-baaristii ugu dambeysay ee ay samaysay hay’adda cilmi-baarista hubka fudud ee Small Arms Survey ee uu fadhigeedu yahay waddanka Switzerland ayaa qiyaastay in gudaha waddanka Mareykanka ku dhawaad 390 milyan oo qori ay ku jiraan gacanta dadweynaha.
Hay’addan ayaa qiyaastaas sameeyay 2018-kii, waxaana suuragal ah in tirada hadda ay intaas ka badan tahay.
Qiyaas ayaa muujinaysa in tiradani ay ka dhigan tahay in 100 kii muwaadinba ay haystaan 120.5 qori.
Sannadkii 2011, 100 kii qofba waxa ay haysteen 88 qori. Tani waa tirada ugu badan ee qoryaha ku jira gacanta dadka markii loo barbardhigo dalalka kale ee adduunka.
Dalka Yemen ayaa ah dalka labaad ee ku soo xiga waddanka Mareykanka marka la eego hubka ay muwaadiniintiisa haystaan, dalkaas oo dadkiisu ay haystaan wax ka yar kala bar tirada hubka ay haystaan dadka Mareykanka.
Tobanka waddan ee muwaadiniintoodu ay haystaan hubka ugu badan caalamka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Mareykanka: 120.5% hub ah ayaa la qiyaasay in dadkiisu haystaan
Yemen: 52.8% dadku waxay haystaan hub
Serbia: 39.1% dadku hub ayey haystaan
Montenegro: 39.1% dadku hub ayey haystaan
Uruguay: 34.7% ayaa hub haysata
Canada: 34.7% ayaa hub haysata
Qubrus: 34.7% ayaa hub haysata
Finland: 32.4% ayaa hub haysata
Lubnaan: 31.9% ayaa hub haysata
Iceland: 31.7% ayaa hub haysata
BBC
Hadalsame Media