City oo Liverpool silcisay & Rikoodhada ay dhigeen labadan kooxood + Ciyaartooydoodu

0

(Manchester) 01 Abriil 2023 – Manchester City ayaa soo bandhigtay bandhig ciyaareed cajiib ah kaddib markii ay 4-1 ku garaacday Liverpool waxayna sidaa kusoo yaraysay farqiga dhibcaha ee hoggaanka horyaalka Ingiriiska oo iminka 5 ah. Haddaba, aannu eegno rikoodhadii kulankan.

Liverpool ayaa laga badiyey shan ka mid ah 10-kii kulan ee ay ciyaartay Premier League sanadka 2023-ka, waana guuldarroooyin ka badan kuwii soo gaarey 2022 oo dhan (P35 W24 D7 L4).

Goolkii Kevin De Bruyne ee dhashya kaddib 53 ilbiriqsi ayaa ahaa goolkii ugu horreeyey ee Liverpool laga dhaliyo qaybta labaad ee ciyaarta Premier League tan iyo kii Sylvain Distin oo shabaqa soo taabtay 40 ilbiriqsi kaddib kulankii Everton bishii Janaayo 2011-kii.

Mohamed Salah waa ciyaaryahankii ugu horreeyey ee Liverpool afar kulan oo kala duwan gool ka dhaliya hal koox hal fasal-ciyaareed tan iyo Ian Rush oo sidaas sameeyey shan kulan oo uu la yeeshay Everton 1986-87.

Manchester City ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu dambeeysay Premier League, lakiin weli ma aysan badinin afar kulan oo xiriir ah xilli-ciyaareedkan 2022-23.

Mohamed Salah ayaa jiho khaldan u diray ciyaartooydii ugu badnayd ee ka soo horjeedey ee horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, marka loo eego dhamaanba ciyaartooyda kale.

Hadalsame Media