“Falka Ruushku waa cabsigelin aan la aqbali karin” – Maraykanka oo muwaadiniintiisa ugu baaqay inay deg deg uga baxaan Ruushka

0

(Washington, DC) 31 Maarso 2023 – Washington ayaa ugu baaqday dadka Maraykanka ah ee u safraya ama caadi u degganaa Ruushka inay “deg deg” kaga baxaan dalkaasi kaddib markii la xirey weriyaha Wall Street Journal (WSJ) ee Evan Gershkovich.

Warkan ayaa imanaya xilli ay Moscow sheegtay in ninkan lagu qabtay “isagoo dembi gacmaha kula jira” iskuna deyaya inuu qaato sirta dowladda, balse Maraykanka ayaa dhaleeceeyey xariggiisa isagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah “xorriyadda saxaafadda.”

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in Washington ay “aad uga walaacsan tahay” dhacdadan, isagoo intaa ku daray “in sida ugu xooggan ee suurtogalka ah, uu u cambaaraynayo isku dayga joogtada ah ee Kremlin-ka ee lagu cabsi gelinayo, lagu caburinayo, laguna ciqaabayo saxafiyiinta iyo codadka bulshada rayidka ah.

“Waxaan ku celinaynaa digniintayada xooggan ee ku saabsan khatarta ku wajahan muwaadiniinta Maraykanka ee jooga gudaha Ruushka. Muwaadiniinta Maraykanka ee deggan ama u safraya Ruushku waa inay si deg deg ah uga baxaan,” ayuu yiri diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanku.

Farriin la mid ah ayaa waxaa soo diray Aqalka Cad, iyadoo Xoghayaha Warfaafinta Karine Jean-Pierre ay sheegtay in “bartilmaameedsiga muwaadiniinta Maraykanka ee dowladda Ruushku ay tahay mid aan la aqbali karin.”

 

Hadalsame Media