Guddi xirfadley ah oo qiimayn ku sameeyey buundooyinka uu Imaaraadku dhoodhoobay & Arrin yaab leh oo ay kashifeen (Daawo)

0

(Hadalsame) 30 Maarso 2023 – Waxaa qiimayn farsamo lagu sameeyey buundooyin ay dhowaan dhiseen Imaaraadka oo uu qaaday daadkii roobabkii guga ee ugu dambeeyey ee dhowaan curtay.

Guddi ka kooban dad xirfadleey ah ayaa maanta booqday Dacar-budhuq, Lafa-ruug, Gebiley iyo Wajaale, si ay bal u qiimeeyaan sababta ay u burbureen kaabayaashan oo dhowaantan uun la dhisay.

Waxaana ay sheegeen in marka la eego daadegga uu heerka caalamiga ah yahay kaliya 5%, balse halkan laga dhigay ilaa 80%, marka la eego qorshaynta iyo tixraacyada dhismaha.

Waxaa kale oo ay sheegeen inaanu jirin hab-raac dhexe oo lagu hubiyo tayada dhismaha la samaynayo iyo sida loo waafaqayo tayada loo baahan yahay, iyadoo ay dadwaynuhu ku tilmaameen ”dhoobo dheri”.

Waxaa goobta ka muuqdey gaari wayn oo isna la sheegay inuu buundada ka dhacay.

 

Hadalsame Media