“Waa ku fashilannay tijaabadii” – Maraykanka oo qirtay guuldarro weji gabax ku ah

0

(Washington, DC) 28 Maarso 2023 – Ciidamada Cirka ee Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan tijaabadii afraad ay fashilantay dhanna nidaamka gantaalaha guuxooda ka dheereeya ee ay sameeysay qandaraaslaha difaaca er Lockheed Martin, taasoo soo jeedinaysa inay aad ugu dhowdahay in la qaato nidaam hardan kula jira oo ay dhistay shirkadda Raytheon.

“Kan aanu hadda haysaney ma ahayn mid guulaystey,” ayuu Xoghayaha Ciidanka Cirka ee Frank Kendall u sheegay xubnaha Guddiga Difaaca ee Aqalka Maraykanka Talaadadii.

“Ma aynaan helin xogta aan uga baahan nahay tijaabadaasi, markaa hadda waxay eegayaan taas si ay isugu dayaan inay fahmaan waxa dhacay.” Ayuu daba dhigay.

Kendall wuxuu tixraacayey tijaabadii 13-kii bishan Maarso ee gantaalka AGM-183A Air-launched Rapid Response Weapon (ARRW), oo ah gantaal nooca loo yaqaanno hypersonic ee guuxiisa ka dheereeya oo weliba cruise ah, meel ka baxsan xeebta Koonfurta California. Ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan waxa ka khaldamay tijaabada.

Hadalladiisa ayaa laga yaabaa inay la yaab ku noqdeen sharci-dejiyeyaasha sababtoo ah Ciidanka Cirka ayaa soo saaray war-saxaafadeed usbuucii hore kaaoo muujinayey in tijaabadii ARRW “uu kasoo baxay dhowr ujeeddo oo laga lahaa.” Xilliga may xusin wax fashil ah oo dhacay.

ARRW waxa uu mashruuciisu socdey tan iyo 2018-kii waxana uu dib u dhacay kaddib markii saddex tijaabo oo xoojin ah lagu guuldarraystay 2021-kii.

Ciidanka Cirka ayaa sheegay in tijaabada gantaalkani ay guulaysatey markii ugu horraysey bishii Maajo ee la soo dhaafay, iyaga oo xusay in uu gaarey xawli ka badan Mach 5, ama wax shan jeer ka orod badan xawaaraha codka.

Tan ayaa weji gabax ku ah Maraykanka oo tiknolojiyaddan casriga ah haatan uga dambeeya dalalka Ruushka iyo Shiinaha oo ah kuwa qura ee haatan haysta hub noocan ah.

Hadalsame Media