(Hadalsame) 29 Maarso 2023 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden ayaa ku andacoodey in digniinta ay soo saartay waaxda amniga gudaha ee UK ee kor loogu qaadayo heerka khatarta argagixisada ee Woqooyiga Ireland aysan ka hor istaagi doonin inuu booqdo gobolka.
“Maya. Ima celin karaan,” Biden ayuu yiri Talaadadii markii la waydiiyey in tillaabada Nabad Sugidda UK ee MI5 ay saamaynayso qorshihiisa uu ugu safrayo Woqooyiga Ireland bisha soo socota.
Aqalka Cadi weli si rasmi ah uma uusan xaqiijin safarka hoggaamiyaha Maraykanka ee Belfast oo lagu beegay sanadguuradii 25-aad ee heshiiskii Jimcaha Wanaagsan, kaasoo la saxiixay Abriil 10, 1998-kii.
Si kastaba ha ahaatee, Biden ayaa la sheegay in la filayo in uu booqdo Woqooyiga Ireland munaasabaddan darteed, isaga oo uu wehliyo Madaxwaynihii hore ee Bill Clinton, oo dhexdhexaadiye ka ahaa heshiiskan muhimka ah.
Heshiiskii Jimcaha Wanaagsani wuxuu keenay in waddaniyiinta doonaya inay Ireland ta xorta la midoobaan iyo kuwa doonaya in UK laga sii tirsanaado ay ku heshiiyeen inay xukunka wadaagaan kaddib soddon sano oo rabshado ah, iyada oo kooxahooda hubaysani ay dhigeen hubkooda si bidaalka loogu sii daayo maxaabiista siyaasadeed.
Hadalsame Media