(Washington, DC) 29 Maarso 2023 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Biden ayaa sheegay inuusan Netanyahu ku casuumi doonin Aqalka Cad “muddada dhow” intii lagu guda jirey waraysi uu bixiyey Talaadadii shalay.
Biden wuxuu u muuqday inuu dhaleeceeynayo go’aannada Netanyahu ee ku saabsan wax lagu sheegay ”dib-u-habaynta garsoorka” ee la soo jeediyay taasoo horseeday mudaaharaadyo waawayn iyo shaqo joojin sababtay in Israa’iil istaagto.
Netanyahu ayaa isna warkan kaga soo jawaabey bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee maanta, isagoo sheegay in “Israa’iil ay tahay waddan madaxbannaan oo go’aannadiisa ku gaar rabitaanka dadkeeda ee aanu ku salaysnayn cadaadiska dibedda, oo ay ku jiraan xitaa kuwa saaxiibada ugu fiican.”
Murankan naadirka ah ee muuqda ee labadan hoggaamiye ayaa sii xumaynaya xiriirka labadan dhinac oo ah saaxiibka dhow, iyadoo badiyaa uu Maraykanku shuruud la’aan iska taageero nidaamka Israel.
Hadalsame Media