”Naftiisa & dadka kaleba halis buu geliyey” – Haaland oo lagu qabtay isaga oo samaynaya arrin halis ah (Daawo)

0

(Hadalsame) 28 Jan 2023 – Xiddiga Manchester City ee Erling Haaland ayaa u muuqda in lagu arkay isaga oo isticmaalaya taleefoonka gacanta isaga oo gaaei kaxaynaya meel u dhow garoonka Etihad Stadium.

Mashiinkan gool-dhalinta ee reer Norway ayaa u muuqda mid hoos u eegaya taleefoonka casriga ah ee dhabta u saarnaa isagoo ku jooga jid labada haadle ah agagaarka New Islington ee Manchester.

Sawirro ay daabacday The Sun ayaa waxaa ka muuqda isagoo gacanta ku haya jeer uu kaxaynayey gaari ku kacaya £300,000 oo gini oo ah nooca Rolls Royce Cullinan.

Wargayska The Sun ayaa sidoo kale qoray in arrintani ay dhacday horraantii bishan Maarso xilli uu 5 gool ka dhaliyey Champions League oo ay ku wajaheen RB Leipzig garoonka Etihad taasoo ay kooxdiisu ugu soo baxday siddeed dhammaadka tartanka.

Falka uu ku kacay weeraryahankan ayaa waxaa si wayn u dhaleeceeyey dadkii daawaday, iyaoo ka digey in isticmaalka taleefankiisa gacanta marka uu gaariga wado ay cawaaqib halis ah ku keeni karto isaga iyo dadka kale ee ku xeeran ama jidka saaran.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media