Qoys dhan oo Jarman ah oo mar qura soo Islaamay & Taatuu odayga ku xardhan oo arrin muujinaya(Daawo)

0

(Pforzheim) 27 Maarso 2023 – Qoys ku nool magaalada Pforzheim ee dalka Jarmanka ayaa dhammaantood mar qura wada qaatay Diinta Islaamka.

Reerkan oo ka kooban lammaane iyo ubadkoodii ayaa dhammaantood shahaadada loo qabtay Jimcihii koowaad ee bishan Barakaysan ee Ramadaanka.

Odayga qoyska ayaa la arkayaa inuu leeyahay jir-shaqal badan ama waxaa loo yaqaan taatuuga oo ay adeegsadaan kooxaha cunsuriga ah iyo dadka kale qaarkood waxaa sidoo kale u duran dhegaha, balse lama faahfaahin sooyaalka keenay inay ugu dambayn wada islaamaan qoyskani.

Taatuuga ku xardhan waxaa ka muuqda xiddigo oo aalaaba laga cabiro inuu qofku leeyahay hami iyo hadaf sare oo nololeed.

Muslimiinta ku dhaqan dalka Jarmalka ayaa sannadadii dambe aad u sii badanayey iyada oo haatan wadartooda lagu qiyaaso 4.5 milyan oo ruux.

Halkan hoose ka dheeho…

Hadalsame Media