DAAWO: ”Waa arrin aan eegayo” – Harry Kane oo khadka kala hadlay RW UK (Miyuu ka tegayaa EPL?)

0

(London) 26 Maarso 2023 – Harry Kane ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha UK ee Rishi Sunak inuu haatan indhaha ku hayo rikoodhkii goolasha ee Premier League ee Alan Shearer kaddib markii uu jabiyey rikoodhkii Wayne Rooney ee England habeenkii Khamiistii – taasoo calaamad u ah inuu doonayo inuu sii joogo Premier League halkii uu u dhaqaaqi lahaa dibedda xagaagan, sida uu qoray Daily Mail.

Sunak ayaa wacay Kane Sabtigii si uu ugala hadlo arrintan oo uu uguna hambalyeeyo inuu noqday gooldhaliyaha abid ee England isagoo dhaliyey goolkiisii 54-aad, waana rikoorkiisii labaad ee xilli ciyaareedka kaddib markii uu jebiyey rikoorkii gooldhalinta Tottenham ee Jimmy Greaves bishii hore.

Waxaana laga yaabaa in loo qaato calaamad ku saabsan halka uu u dhaqaaqi doono xagaaga, iyadoo weeraryahanka si wayn loo filayo inuu ka tago Tottenham.

“Marka la eego inaad weli da’da yar tahay, waan ogahay inaad aad isu gaabin doonto, laakiin rikoodhka gooldhalinta Premier League ayaad isha ku haysaa sax?” ayuu waydiiyey Sunak.

”Haa waa hubaal taas,” Kane ayaa ku jawaabey. ‘Waad ogtahay, waan ku dhowahay meeshaas sidaas darteed waa hubaal inaan doonayo inaan gaaro, laakiin waxaan isku dayayaa inaanan meel fog sii eegin.” ayuu yiri Kane.

Hadalsame Media