”Wuxuu mararka qaar ku sigan jirey inuu ooyo” – Ferdinand oo kashifay in isaga iyo laacib kale ay qolka lebiska ku dhibi jireen Ronaldo

0

(Hadalsame) 25 Maarso 2023 – Daafacii hore ee Rio Ferdinand ayaa daaha ka qaaday in dagaal adag uu qolka lebiska kula galay Cristiano Ronaldo kaasoo ahaa mid aad u adag ilaa uu saaxiibkiisii hore ee Manchester United uu qarka u fuulo inuu ooyo, maadaama uu kaga badin waayey ciyaarta  tennis-ka miiska ee ping pong.

Halyeeyga England – oo Australia u jooga inuu xayaysiis u sameeyo barnaamijka ka hortagga xadgudubka baraha bulshada ee WeAre8 – ayaa la waydiiyey inay run tahay in Ronaldo uu u maaro waayey in uu ‘Pingpong kaga adkaado isaga’ intii ay ku wada sugnaayeen Old Trafford.

Waxa uu si deg deg ah u xaqiijiyey in sheekadani ay jirtey. “Aniga iyo nin kale oo la yiraahdo Quinton Fortune – oo nala joogey [Manchester United] – wax badan ayaanu ka boollaysan jirney isaga,” 44-jirkan ayaa sidaa u sheegay idaacadda Kyle and Jackie O.

Ferdinand had a good laugh about his ping pong battles with Ronaldo (pictured together playing for Man Utd in 2009) and said if they'd been televised, they would've broken records

“Waqtigaas aad ayuu nooga yaraa – marka waa waabsan jirney, laga yaabee, laakiin waxay ahayd isku day ku saabsan si aan u dhisno adkeysigiisa,” ayuu ku dooday Ferdinand.

“Waxaan u ciyaari jirney maalin dhaaf kahor tababarka, taasoo qayb ka ahaa isku diyaarinta ama is kululaynta. Meel walba waan kaga badin jirey.

“Haddii uu iga adkaado… aniga iyo isaga ayaa kala geli jirney koow iyo laba, sida Federer iyo Nadal. Hadii laga sii dayn lahaa telefishinka, waxaan jabin lahayn rikoodho badan,” ayuu raaciyey.

‘Wuxuu mararka qaar ku dhawaan jirey inuu ooyo, taasina, waa heerka uu ka joogey inuu tartamo.” ayuu kusoo afjaray xiddiggii hore ee England.

The 44-year-old England legend said he used to smash Ronaldo 'all over the place' before the ultra-competitive Portuguese icon improved his game and started beating him

Hadalsame Media