Kaddib walaacii maalmihii dambe, war farxad leh oo kasoo yeeray dhanka iibsiga Man United

0

(Manchester) 25 Maarso 2023 – Manchester United ayaa heshay dalab ka yimid ganacsatada Qatariga ah habeenimadii Jimcaha ee xalay xilli uu socdo dagaalka lagu iibsanayo kooxdan camaaliqada Premier League.

Dalabka Qadar ee United ee habeenimadii Jimcaha ayaa ahaa mid heersare ah, waloow labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu jirey shaki yari, laakiin ilo ku dhow kooxda ayaa ku adkaystay inuu dalabku iman doono, sidaas ayaana dhacday.

Waxaa loo malaynayey in kooxda ka shaqaynaysa dalabka Sheikh Jassim bin Hamad al-Thani ay soo gudbin doonaan dalabkooda kahor inta aanu xirmin suuqa Jimcaha, balse waloow uu dorraad baaqday haatan ayuu yimid ugu dambayn.

Si kastaba ha ahaatee, goor dambe oo habeenimadii Jimcaha ah waxay ku guuldareysatay inay soo degto Mareykanka.

Jariiadda Sportsmail waxay fahansan tahay in turxaantii jirtey la xalliyey. Baanka ganacsiga ee Maraykanka ee Raine, oo hawsha wadda, ayaa bixiyey waqti dheeraad ah kaddib habeenkii Arbacada ee kama dambaysta ahaa iyagoo kaddib codsaday maalin dheeraad ah, taasoo la siiyey Khamiistii.

Dalabka Sir Jim Ratcliffe ayaa la sheegay inuu yahay qiyaastii £5bilyan oo gini waxaana la filayaa in midka Qadariguna uu la mid noqon doono. Milkiilayaashii hore ee AC Milan ee Elliott Investment Management, ayaa iyaguna sheekada ku jira, balse waxay doonayaan saami yar.

Hadalsame Media